Concept · Article
English-ku waa luuqada cusub ee ugu shidan programming-ka
Andrej Karpathy
Qarnigii 19-aad ayaa loo aaneeya xiligi ay bilaabmatay fiditaanka luuqadan English-ku, yadoo lagu sababeeyo gumaysigii xiliga isku fidinayay dhulalka aduunka. Waxana ilaa hadda ay tahay luuqada uu aduunku isku fahmo, yadoo wadan walbana dhexdiisa ay mashaaric ganacsi, waxbarasho, caafimaad iyo kaabayaal kaleba ay isu fahmaan.
Waxbarashada maadiga ah luuqadani waxay ka tahay mid aan laga maarmi karin wakhti xaadirkan, sababaha u horeeyana ay tahay in badanka waxyabaha aadamuhu ikhtiraaco amase daaha ka qaado lagu qoro luuqadan, si dad badan oo caalamka ah ay u gaadho.
Haddaba qodobka qormadan igu dhaliyay ayaa ah inaan arko dad badan oo somaliyeed oo la dhiban barashada xirfadaha cusub, ha ahato technology amase takhasusaadka kale ee jira caalamka. Dhibaatada u waynee ina haystaa waxa kow ka ah luuqadan English-ka.
Andrej Karpathy ayaa boggiisa Twitter-ka (X) ku soo qoray, Jan 24, 2023, oo ah xiligi uu aadka aadamaha u gaadhay garaadka macmalka ah, sido kalena dadku isticmaalkiisa ay badiyeen si ay hawlahooda maalin-lahaa ah u fushadaan:
"English-ku waa luuqada cusub ee ugu shidan programming-ka"
Aragtida ah isticmaalka AI-ga maanta kama faaloonayo, balse si aad jawaab toggan uga hesho sida ugu fiicana laguugu jawaabo, waxa jira concept la yidhaa prompt engineering oo ah qaab lagu hago AI-Tool-ka aad isticmaalayso si aad uga hesho jawaab macno buuxa kuu samaysa. Waxaanay tani ina tusinaysaa in ay tahay in ugu yaraan luqadada English-ku dhisan tahay qorina karto, fahmina karto.
Tan iyo intii aadamuhu noolaa, noolana doono, aqoonta waa lakala amaanaystaa dabadeed wax lagu daraa. Si aynu aqoonta calamku ina dheer yahay uga amaanaysano, teenaynu dheernahayna u kobcino, waxa haboon in luuqada aduunka wakhti xaadirkan ku wada xidhiidho aynu barrano amase fahano.
Sidan ka wada war qabno, sido kalena aan ku faahfahiyay qormadi tan ka horaysay, dhisitaanka systems-ku sidi hore way ka fudud yihiin oo waxaynu heli karnaa shaqaale (AI-Agent) ina caawiya, balse aynu kor joogtayno.
Bal qiyaas: sanadku waa 2028. Waxa jira intaso model (maskax macmal ah) oo si waadixa kuugu qori kara code-ka system kad rabto, balse qiyastayda u bahaan kor joogtayntaada si aad jawabaha u hubiso, una baahan inaad shaqo u dirto. Waxaad isku fahmaysaana ay tahay English, English-kuna uu u baahan yahay mawduuci aynu sheegnay ee ahaa prompt engineering, si jawaab waadix ah aad u hesho.
Intas ayaaba inagaga filan fa'idada ay leedahay fahanka luuqadani hadda iyo mustaqbalka dhow.
Qormadan maaha mid aan waajib kaga dhigayo in luuqadan aad si buuxda u taqaano, balse waa mid aan rabbo inaan kugu fahansiiyo fa'idada ay leedahay luuqadani si aan caalamka kale ula macaamili karno. Wixi intaa ka danbeeyana ayaynu wixi cilmi ah iyo xirfad ahba luuqadeena ugu badali karnaa, si ay dhigaal taarikhi ah u noqoto.
Lagayaabee in aad ii soo qaadato meeriskii ku jiray gabaygii Abwaan Cabdullaahi Suldaan Maxamed (Timo-cadde) ee ahaa: "Af qalaad aqoontu miyaa....."
Jawabtaydu waa: may. Inaan English ku hadlo iyo inaan Somali ku hadlaa waysku mid, balse inaan aqoon maadiya raadiyaa, badanka wakhti xaadirkan English ayay u baahan tahay fahankiisa. Dabadeed u jeedkaygu waxa weeye: ku fahan English, kuna hadal hadba umadda aad la ag joogto afkeeda, si wixi kugu jira ee aqoona aad uga faidayso.
Wa'alahu yaclam.
Abdule Y.
