Concept · Article
Luqadaha Afrika Maxaa dayacay
Dunida AI waa dunida ugu xawaaraha badan ee taariikhda bina-aadanka. Maalin walba wax cusub ayaa soo baxaya, balse su'aasha muhiimka ah waxay tahay: yaa ka faa'iidaysanaya?
Hadaad eegto luqadaha dunida ee AI ku shaqeeyo, waxaad arki doontaa English, Arabic, Mandarin, iyo luqado kale oo xooggan. Balse luqadaha Afrika, oo gaadhaya 2000 oo luqadood, malaha saamayn xoogan.
Afrika waxay leedahay in ka badan 2,000 luqadood oo kala duwan. Tani waa hanti weyn. Balse hantidani AI dhexdiisa ma muuqato. Sababta? Ma aha in dad aysan ku hadlin luqadahan, waa in cidna wali dhisin qalab (tools) loo adeegsan karo hawgu waynaato model la jaanqadi kara isku badalka luqadaheena.
Waxaan akhriyay baaritaano (research papers) badan oo ku saabsan NLP iyo luqadaha Afrika. NLP waa qaybta AI-ga ee ka shaqaysa in mashiinka fahmo luqada bina-aadanka. Baaritaanooyinkani badankoodu waxay ka cabanayeen saddex dhibaato oo isku mid ah:
- Dhaqaale la'aan. In la ururiyo dataset luqadeed waxay u baahantahay lacag badan: studio-yo, dad luqada yaqaan oo qoraalka (transcription) sameynaya, iyo quality control. Lacagtani jaamacadaha Afrika badankooda ma haystaan amase ma rabaan inay bixiyaan.
- Ka qaybqaadasho yar. Dadka luqadahani ku hadla ma helaan platform ay ku biiriyaan codkooda iyo luqadooda. Kaabayaal (infrastructure) ma jiraan.
- Lahjadaha kala duwan. Luqad keliya gudaheedana lahjado badan ayaa ku jira. Model lagu tababaray lahjad keliya, lahjadaha kale wuu ku guuldareysanayaa.
Mashruuca ugu fiican ee aan arkay waa WAXAL (research paper) oo Google maalgeliyeen. Waxay dabooleen 24 luqadood oo Afrika ah, waxayna ururiyeen qiyaas ahaan 1,250 saacadood oo cod ah oo qoraal leh (ASR) iyo 235 saacadood oo TTS ah. Qaabkii ay data ku ururiyeen ayaa aad iso jiitay: dadka waxay tuseen sawiro ay rabeen inay sharaxaan si dabiici ah, halkii ay qoraal akhrin lahaayeen amase script loo dhiibi lahaa.
Balse xataa mashruucani wuxuu qiray in 10% keliya oo codkii la ururiyay ay qoraal (transcription) leeyihiin. 90% kale? Aan wali loo samayn labels iyo transcription.
Kani waa mashruuca ugu dhaqaalaha badan oo ugu wanaagsan ee luqadaha Afrika, marka lays barbardhigo dhamaan isku dayadii lagu doonayay in lagu mideeyo hal model dhamaan luqadaha Afrika.
Anigoo dhamaan ka tusaale qaadanaya research-yadaa hore, waxaan arkay in la mideeyo 2000 oo luqadood ay adag tahay mar kaliya, sido kale ay tahay mashruuc balaadhan oo qiime badan ku kacaya, ayna ka dhawdahay in luqad luqad loo cover gareeyo.
LUQADEENA
In ka badan 20 milyan oo qof ayaa ku hadla Somali-ga: Geeska Afrika iyo diaspora-da dunida oo dhan. Balse AI marka la eego? Waxba ma hayno. ASR model oo wax ku ool ah ma jiro. TTS system oo tayo leh ma jiro. Dataset weyn oo la calaamadeeyay ma jiro. Xataa WAXAL, 24-kii luqadood ee ay dabooshay, Somali-ga kuma jirin.
Luqadeeni waxay lahayd far (Osmanya) waagii hore, hadase waxaynu isticmaalnaa latin-based script, oo ah qaab qoraal latin ah oo 1972 la qaatay, dhaqan sheeko iyo gabay ah oo qani ah. Waxayna tahay luqad AI dunidiisa ka maqan. Waxaan ka fikiray bilaabida mashruucan, anoo hubo in faido weyn ay u noqon karto jiilkan iyo ka soo socdaba.
Balse keligay ma samayn karo.
Waxaan u baahanahay dad ka qaybqaata: luqadyahano, injineerro, researchers, iyo dad Somali ku hadla oo diyaar u ah in codkooda iyo waqtigooda ay ku biiriyaan.
Hantida luqadaha Afrika waa mid dunida ka maqan. Ma aha in dadku aysan ku hadlin, waa in cidna wali dhisin qalabka.
Abdule Y.
