← Concepts

Concept · Article

Waa Maxay AI?

Somali

Marki iigu horaysay een usoo digo rogtay inaan gudo galo barashada AI-ga (Artificial Intelligence), kana diyaariyo darajada labaad ee Jamacada (Master) iyo wixi concept la xidhiidhaba, ayaan arkay in aduunkani uu ka wayn yahay aragtiyahan ka haystay marki hore. Ee bal aan adnna kula wadaago waxa ay tahay AI/ML/DL iyo taarikhda ku gadaaman in aadamuhu isku dayo ikhtiraaca Maskax matalaysa ta aadamaha.

WAA MAXAY AI?

AI waa cilmi amase science awood loogu siiyo machine-nada in ay matalaan ibna-aadanka, sameeyana shaqo yagoo adeegsanaya maskax, maskaxdaas oo qaab fikir ku dhadhaw ta ibna-aadanka.

Tusaale:

  • In la fahmo luuqad.
  • In go'aan wax laga qaato.
  • In soo-jireenimo hore (experience) wax laga barto.
  • Iyo xalinta dhibaatoyin.

Intaasun weeye waxa AI (Artificial Intelligence) yahay, oo somali ahaan ku dhadhaw: Garaadka Macmalka ah. Balse dallada AI way ka balaadhan tahay intan, oo wax walbabaaba AI maaha, si lamida field-ka cafimaadka (Medicine) ee aan wax walbaba u ahayn cafimaad loona kala sooco (cardiology, neurology, surgery iyo psychiatry) iyo wixi lamida.

QAYBAHA AI

AI-ga waxa loo kala qaybiyaa labadan qaybood oo waawayn:

  • Narrow AI: qaybtani waa qaybta aynu hadda taaganahay amase gaadhnay. Waa garaad-macmal ah oo hal shaqo kaliya ku fiican; tusaale, ChatGPT wuxu ku wacan yahay qoralka, halka garaad macmal ah oo kale uu ku fican yahay game. Muhiimadu waa in aan hal mid oo kamidi kuwada fiicnayn dhamaan shaqoyinka la rabbo in la qabto.
  • General AI: qaybtanina waa qaybta la rabbo, ee shirkad walba oo calamka AI-ga ku jirta ay rabto inay hor gaadho, oo lagu magacaabo AGI (Artificial General Intelligence). Hadafkuna waa in la helo system awood u leh shaqo walba in uu iskii u qabsado si lamida ibna-aadanka: system baran-kara wax ku cusub, sababaysan kara shaqada uu rabbo inuu qabto, la qabsan kara shaqo, ugu danbayna qaban kara. Wali lama gaadhin, waase hadafka technology-yadeed ee caalamka dhawanahan.

Waxaase suaal ah, mala heli karaa maskax ibna-aadanka dhinac walba matasha?

AI / ML / DL

Aan inyar technically gudo galno waxyabaha kasi faracma AI-ga:

  • Artificial Intelligence (AI): waa machine walba oo matala ibna-aadanka, waana dallada midaysa dhaman qaybaha ay ka kooban tahay in la gaadho maskax wax barata, sido kale qabata shaqoyin.
  • Machine Learning (ML): waa hab lagu barro machine-nada in ay xog wax ka bartaan, yadoon haba yaratee wax hagitaana amase qanuuno la siin. Si yaroo fudud, waa halka maskaxda machine-nadan laga dhiso.
  • Deep Learning (DL): waa isla qayb kamida ML. Badankana dadku waxay moodan laba shay oo kala madax banaan, mar hadii labadooda magac isku dhaw yihiin; u fahan in DL yahay ML oo lasiiyay awood dheeriya oo uu xogaha adag ku barto sida (Images and Audio).

MACHINE LEARNING (ML) & DEEP LEARNING (DL)

Inta aanan galin labadan qaybood, ka ibna-aadan ahaan waxa ay culimada ku takhasustay sheegtaa in ilmaha yari marku jiro 6 ilaa 9 bilood ay bilaabmato waxa loo yaqaano (Cognitive Development), oo ah xiliga ibna-aadanka ay u bilaabmato in ay yeeshan awooda fikirka, sababynta, barashada, kala soocida waxa u muuqda iyo xasuusashada wax hore. Si lamida sidaas, machine-nadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo techniques danbeeya in ay si lamida ibna-aadanka ay wax bartaan, sababayeen sido kale qabtaan.

Habkan machine-ka lagu siinayo awooda ah inuu xog jirtay wax ka barto, si mid cusub uu jawaab la rabbo uga bixin karo, ayaa waxa aynu ku dhex qabanaa Machine Learning (ML) iyo Deep Learning (DL) oo ah qayb kamida uun ML. Process-kan amase habkan ayaa u baahan labadan qaybood ee waywayn:

Xog (Data)

Waa qaybta ugu muhiimsan marka ay timaado tababarida garaad macmal-ah. Sababto ah, si lamida ilmaha yare dhashay, waxba machine-kani uma bilaawna oo garan maayo. Halkanina waa halka laga qiimeeyo awooda model (engine-ka danbeeya dhamaan garaadada aynu aragnay) inta ay gaadhsiisan tahay.

Architecture

Waa design amase hab-raac la marro marka la dhisayo (Building) amase la tababarayo (Training) garaadka macmalkaa. Kasoo qaad waxaynu dhisaynaa guri: gurigu dhamaantii laba shaybaa u ah aasaas, waa sees-ka amase meeshu ku fadhiyo (foundation) iyo saqafka (roof) sarre ee dadku ka dugaashadaan wixi kore. Balse design-ka intan loo dhigayaa waa ku kala duwan yihiin, oo iskuwada mid maaha sida loo dhisayo Skyscrapers-ka iyo Guri caadi ah.

Si lamida taas ayaa marka la joogo AI-ga tababaridisu aysan isku waddo u qaadin, oo loo qaabeeyaa sida ay isugu xidhmayaan neurons-ka iyo shaqoyinka ka dhex socda Neural Network-ga. Maqaalka kan xiga baan si fican erayadan ugu faahfaahin doona, idam alleh.

Waxan rajaynaya in intaasi fahan guud kaa siisay waxa ay tahay AI (Artificial Intelligence).

Maqaalada xigaban iskula eegi doona qaybaha xogta (Data) iyo hab-raac-yadaba (Architecture) u kala baxaan iyo waxay tababarida maskaxdan macno ugu fadhidoba.

Abdule Y.

RandomRandom